By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Muslimiinta mareykanka ayaa dalab u diray madaxda Dowladda iyo hay’adaha baaraya Kiiska dhacdadii Argagaxa laheyd ee ay geeriyooden 5 hablood oo soomali ah
By isxaaq Rashiid Qoysaska shantii gabdhood ee Soomaalida ahaa ee dhowaan ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee ee dalka Maraykanka iyo hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka. ayaa dalbaday in baaritaan madax banaan lagu sameeyo wixii sababay iyo ciddii ka dambeysay shilkaasi.
Waxaa ay sheegeen inaysan ku qanacsanayan baaritaanka booliska magaalada Minneapolis maaddaama sida hay’addu sheegtay in kiisku ku leeyahay nin askari ah oo ka tirsan booliska magaaladaas.
Jeylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay’adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa sheegay in ay doonayaan in baaritaanka waxa sababay shilkaas la xoojiyo, isla markaana warka kasoo baxay Booliska aysan ku qanacsaneyn.
This Post Has 0 Comments