skip to Main Content

Muxu wasiirka Arrimaha Gudaha kenya kala hadlay masuliyiinta Amniga wajeer

By Ayanle Dhiire 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa magaalada Wajeer kula kulmay mas’uuliyiinta dhanka ammaanka ee ismaamulkaasi iyo guud ahaan kuwa gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in Waqooyiga dalka uu hodan ku yahay kheyraad dhaqaale oo muhiim u ah horumarka .
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in Waqooyi Bari ay ka qayb qaadato kobcinta dhaqaalaha dalka maadaama ay leedahay jawi u wanaagsan maalgashiga maxalliga iyo midka dibadeed labaduba.
Waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka shacabka ku nool Waqooyiga iyo in sare loo qaado kaabayaasha amniga.
Kulanka amni ee shalay ka dhacay Wajeer ayuu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ku tilmaamay mid istaraatiiji ah oo la isku xog wareysanayay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top