skip to Main Content

Muxuu soo kordhiyey amarkii Xamse ku soo rogay shaqaalaha aan soo xaadirin ee DF?

By Abdinajib Abdullahi

MuQdisho (Boundless Media)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda maanta la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, isagoo ka dhageystay warbixinno la xariira isbeddelka shaqo ee yimid, kadib kulankii 24 December 2022 uu la yeeshay.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaal muhiim u ah howlqabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray Agaasimeyaasha Guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan geliyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee haddana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaqaalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Ra’iisul Wasaaraha amarka ku bixiyay bishii Diseembar.

Mudane Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay Agaasimeyaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya Wasaarradaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo boggaadiyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, ayaa mar kale ku celiyey  in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada. Waxuuna kula dardaarmay guddiya ku shaqada leh in ay dardargeliyaan isla xisaabtanka, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.

 Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
Back To Top