Skip to content

NCIC Oo Cambaareysay Hanjabaada gooni u goosadka ee Mucaracka

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in bilooyinkii ugu dambeeyay ay jireen farriimo naceyb ah oo soo kordhayay kuwaasoo ay jeedinayeen shakhsiyaad kala duwan.
NCIC ayaa walaac ka muujisay hanjabaad ay jeediyeen madaxda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio oo ahayd in haddii dowladda dhexe aynan wax ka qaban tabashooyinkooda inay guda galayaan geeddisocod ay dhinac uga istaagayaan qaranka.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan mas’uuliyiinta laga doonaya inay tixgeliyaan oo ayna u hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah ee qeexaya midnimada shacabka iyadoo ay jirto kala duwanaansho diimeed,isir iyo dhaqan .
Guddoomiyaha guddiga NCIC Dr. Samuel Kobia ayaa bayaanka ku sheegay in Kenya aan marnaba la kala qaybin karin.
Waxaa uu intaasi ku daray in kastoo mucaaradka ay arrimo tabanayaan haddana in xalka aan laga raadin gooni u goosasho
Kobia ayaa siyaasiyiinta ka codsaday inay wada hadlaan oo ay qaab nabad ah ku dhameeyaan kala duwanaanshahooda.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu billaabaya madasha qaran ee wada hadallada oo diiradda lagu saari doono horumarka dhaqaale , degganaansho siyaasadeed iyo wadajirka bulshada.
Guddiga ayaa sidoo kale cambaareeyay in qaar ka mid ah madaxda ay shaqaalaha dowladda si gaar ah macallimiinta u diidayaan inay ka howlgalaan gobollada aynan dhalasho ahaan ka soo jeedin wuxuuna intaasi raaciyay inuu billaabay geeddisocod sharciyeed oo ka dhan ah shakhsiyaadkan.
NCIC waxay sheegtay inay ka war qabto cabasho ku aaddan in aan la isku dheellitirin shaqaaleysiinta dadka ka howlgalo xafiisyada dowladda sidaasi awgeedna ay sameyn doonto baaritaano dabagal ah oo lagu xaqiijinaya in fursad la siiyo qowmiyadaha kala duwan si ay uga dhex muuqdaan dowladda sare iyo ismaamullada.
NCIC waxay sidoo kale walaac ka muujisay inay dib u soo billowdeen kooxaha gaysta falal dambiyeedyada abaabulan oo wadanka laga mamnuucay 2010 iyo 2016-kii tani oo cabsi ku beeraysa shacabka.
Guddiga ayaa hay’adaha ammaanka ugu baaqay inay xaaladdan wax ka qabtaan.
Guddiga ayaa bayaankiisa ku taageeray in madaxweynaha dalka William Ruto uu soo dhisay guddi dib u eegis ku sameyn doono ururrada iyo xarumaha diimeed si looga hor tago faafinta caqiidooyinka khatarta ah!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top