Skip to content

Nuurdiin Xaaji oo beeniyay inuu amray xiritaanka labo garsoorayaal

Abdinajib Abdullahi

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka kenya Nuurdiin Xaaji ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo labo ka mid ah xaakinnada maxkamadda sare ee wadanka.

Waxaa uu sheegay in xafiiskiisa uunan ka war qabin sababaha keenay in la xiro sidoo kalena su’aalo la weydiiyo garsoorayaasha kala ah Aggrey Muchelule iyo Saciid Chitembwe.

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka waaxdan ayaa waxaa ku cad inuunan jirin gal baaritaan oo lagu wareejiyay oo khuseeya xaakinnada.

Waxaa qoraalka qayb ka ah in hadii waaxdan loo soo gudbiyo warbixinta baaritaano la sameeyay , ay qaadayso tallaabada habboon ee xigta.

Tani ayaa timid ka dib markii Eric Theuri oo u hadlayay ururka qareenada wadanka ee LSK uu waaxda dacwad soo oogidda ku eedeyay inay amartay in la xiro Aggrey Muchelule iyo Saciid Chitembwe.

Madaxa LSK Nelson Havi ayaa dhankiisa raali gelin ka bixiyay arrinkan isagoo sheegay in Theuri uusan oggolaansho u haysan inuu ururka u hadlo.

Havi ayaa dhanka kale golaha fulinta ee dowladda ku eedeyay inay caburin ku hayso madax bannaanida waaxda garsoorka.

Waxaa uu ku doodayaa in xariga garsoorayaasha looga gol-leeyahay in si gaar ah loogu niyad jabiyo iyaga iyo guud ahaan saraakiisha cadaaladda.

Nelson Havi ayaa intaa ku daray in dowladda laga doonayo inay arrinkan raaligelin ka bixiso hadii kale uu is casilo ama xilka qaadis lagu sameeyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka George Kinoti.

Garsoorayaasha ayaa lagu eedeyay inay laaluush qaateen xilli ay gacanta ku hayeen kiisas hore.

Sidoo kale waxaa su’aalo la weydiiyay darawaliintooda iyo karaaniyaasha la shaqeeya ka hor inta aan la soo siidayn abaare 5-tii galabnimo ee shalay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top