Skip to content

Odayasha dhaqanka deeganka Xaaji cali oo ogolaaday xabad joojin

By isxaaq Rashiid Madaxweynihii hore ee Dowladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamanka Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo ayaa kulan kula qaatay Deegaanka Xaaji Cali Odoyaasha dhaqanka ee Degma Cadalle iyo Deegaanada Hoosyimaada

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin wasiiro oo ka socday Maamulka  Hirshabelle oo Madaxweynaha Hirshabelle uu  u xilsaaray xalinta Colaada ka taagneyd halkaas ,sidoo kale kulanka waxaa qeyb ka ah Imaam Daahir Imaam Mohamud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas

Si kastaba ‘ahaatee’ Kulanka ayaa ku saabsana sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan Deegaanada iyo Tuulooyinka hoos taga  Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle

Odoyaasha Dhaqanka Beesha Cabdalle Caroone ayaana sheegay iney qaateen xabad joojinta ay ku dhawaaqeen gudiga ka shaqeynaya xal u helida dagaal beeleedyada so laalaabtay ee ka taagan Degmooyinka Cadalle iyo Raagacelle.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top