Skip to content

Policeka hal xarun ka shaqeyay 3 sano oo la warejinaayo’

By Ayanle Dhiire 

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa amar ku bixiyay in dhammaan saraakiisha booliiska ee in ka badan saddex sano ka shaqeynayey hal saldhig ah in goobahaasi laga wareejiyo.
Amarkan ayaa si degdeg ah u dhaqan galaya sida uu sheegay wasiirka oo maanta hor tagay aqalka sare ee dalka.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS loo qabtay muddo 60 cishe ah oo uu isbeddelladan ku dhaqangelinaya.
Waxaa uu soo saaray digniin ah in sarkaalkii aan laga wareejin xarun uu wax ka badan saddex sano ka howlgalayay, in aan mushaar la siin doonin.
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aallo ku saabsan arrimaha ammaanka ayaa xusay in guddi uu magacaabay madaxweynaha uu dhawaan ku taliyay in sarkaalka booliiska ah uunan hal saldhig ka shaqeyn karin wax ka badan hal sano intaasi ka dibna meel kale loo wareejinaya

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top