By isxaaq Rashiid Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal u dhaxeeyay laba…
Puntland oo Dadka Itoobiyaan ka ah ka saareysa Magaalada Garowe
By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo Qaxooyiga Itoobiyaanka eek u sugan Garowe in ay tahay, walwal ay ka qabaan amniga, nadaafadda, iyo isdhexgalka dhaqanka.
Guddoomiye Qaanqaa sheegay hay’adaha caalamiga ah inay ka qeyb qaadanayaan dhismaha xarumo ku-meel-gaar ah oo la dajinayo qaxootiga inta ay ka sugayaan dib u celintooda.
Warkan ayaa ku soo aadaya xili aad loo adkeeyay Amaanka Magaalada Garowe , kaddib markii magaalada Garowe lagu qabtay Dad lagu Eedeeyay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in ay jirto cabsi weyn oo laga qabo in kooxaha Shabaab iyo Daacish ay ka faa’iideystaan xaaladaha ay ku sugan yihiin dadkan, iyagoo u adeegsanaya falal Amni darro.
This Post Has 0 Comments