Skip to content

Puntland oo ku hanjabtay in la kala dirayo Baarlamanka Maamulkaas

By isxaaq Rashiid Wasiirka Warfaafinta  Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir  ayaa ka diiday mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka Puntland

Wasiirka  ayaa sheegay in gebi ahaanba Wareegto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta

Warka ka soo baxay  Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaaku soo aadaya  Xilli  Baarlamaanka Puntland  uu Muddo kordhin hal sano ah uu sameystay meeshana   ka saaray qararuu Madaxweyne Deni u gudbiyay  iyadoo muddo kordhinta  Baarlamaanka Puntland ay ka hor imaaneyso Dastuurka Puntland

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top