skip to Main Content

Puntland oo markale ku adkeysatay in aaysan la shaqeyn doonin Dowladda dhexe

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi ayaa ka hadlay war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gabogabeeyey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi  Deni oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta Puntland 2024-2029 ayaa sheegay wax kasta oo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga in aysan quseyn Puntland.

“Golaha wadatashiga wax kasta oo ay soo-saaraan nama quseeyaan, midnimona ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo” ayuu yiri madaxweyne Den.

Hadalka ka soo naxay Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya Xilli Puntland Weli ay ku adkesaneyso diidmadeeda ku aadan ka qayb galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top