skip to Main Content

Qaramada Midoobay oo cambaareysay amar ka soo baxay Taalibaan

By Abdinajib Abdullahi

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay amar ay kooxda Taalibaan ee dalka Afghanistan ardayda gabdhaha ah uga mamnuucday inay wax ka bartaan jaamacadaha wadankaasi.
Golaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay qasab tahay in gabdhaha fursad buuxda loo siiyo arrimaha tacliinta.
Sidoo kale qaramada midoobay ayaa cambaareysay amarkii ay Taalibaan dhawaan haweenka uga mamnuucday inay ka shaqeeyaan hay’adaha maxalliga, kuwa caalamiga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee loo yaqaano NGOs.
Golaha oo ka kooban 15 xubood ayaa hoosta ka xarriiqay in go’aammada kooxda laga dheehan karo inaysan tixgelin xuquuqul aadanaha iyo xurriyadda aasaasiga ah.
Waxay intaasi ku dareen in go’aannadan ay saameyn ku yeelan doonaan howlaha gargaarka ee laga wado gudaha Afghanistan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top