Skip to content

Qarax lala beegsaday askar keentan ah iyo warar ka soo baxaya

By isxaaq Rashiid Qarax miino ayaa ka dhacay degaano katirsan Magaalada lamu ee gobolka waqooyi Bari ee dalka kenya, kaas oo lala beegsaday Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya

 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu qabsaday gaari loo yaqaano Taw, kaas oo ka yimid dhinaca degaanka Pandanguo, isla markaana kusii jeeday degaanka Witu ee Magaalada laamu

 

 

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay qaraxa ayaa sheegay inay kudileen 25 katirsan Ciidamada Kenya, laba Gaarina ku gubeen wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

 

  • Saraakiil katirsan booliska Kenya oo weerarka qaraxa xaqiijiya ayaa sheegay inay wadaan baaritaano, waxaana xusid mudan in maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan degaannada Gobolka Waqooyi bari

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top