skip to Main Content

QM oo ka digtey khatar ka soo Wajahan Warshad Nukleer oo la duqeeyey

By isxaaq Rashid Madaxa Hay’adda Tamarta Atomikada Adduunka (IAEA) ayaa ka digey khatar ka soo foolleh warshadda korontada nukleerka ka dhalisa korontada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Rafael Grossi ayaa weerarka lala beegsaday warshadda Zaporizhzhia, oo ah tan ugu weyn qaaradda Yurub, ku tilmaamay mid khayrul masuulnimo ah.

Khuburo ka socota hay’adda IAEA oo xarunta warshadda booqday ayaa sheegay in xarunta 3 gantaal lagu dhuftay, balse uusan khasaare saas u weyn ka muuqan.

Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ka qabsaday Ukraine bishii Fabraayo 2022, ka dib goluf xzooggan oo ay halkaas ku qaaday.

Moscow ayaa Ukraine ku eedeysay in ay ka dambeysey weerarka warshadda. Balse Kiev wey iska diiddey eedeyntaas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top