skip to Main Content

Qoor Qoor oo ka digay halis ka dhalan karta sheegashadii Somaliland ee dagaalka

By abdinajib abdullahi

Guriceel (Boundless media) –Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo dhinacyada isku haya halkaasi uga digay in aysan u yeeran Al-Shabaab, xilli ay Somaliland sheegtay in kooxdu qeyb ka tahay dagaalka.

Qoor Qoor oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleema saaray maamulka cusub ee degmada Guriceel ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhib weyn kala kulantay argagixisad Al-Shabaab, ayna xiligaan aheyn in looga gacan haadiyo dhul ka nabad-galay sharkooda.

“Dagaalkii dhaca waxa uu taageeri doonaa oo idinku soo hoggaamin doonaa, gacana siin doonaa Khawaariij, sidaas darteed dhibaatada ka socota Laascaanood waxa aan leenahay dhiigiin si xaaraan ah buu isugu baxay ee iska daaya,” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Waxa uu intaasi sii raaciyay hadalkiisa “Cadawga ha iskuugu yeerina, annaga ayuu dhib nagu filan nagu hayaa.”

Somaliland ayaa hore u sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay qeyb ka tahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ku eedeysay in magaalada ku garaaceen madaafiic, si ay iskaga hor keenaan dadka deegaanka iyo maamulkooda, inkasta oo sheegashadaasi ay beeniyeen garaadada SSC iyo kooxda laftigeeduba.

Dhinaca kale, Qoor Qoor ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee degmada Guriceel, isagoo ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, oo dardar-gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya xilli uu dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad, inkasta oo uu hadda ka qaboobay sidii hore, lana soo warinayo inuu hakaday saddexdii maalmood ee tegay.
Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay illaa 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top