skip to Main Content

Rag ka tirsana sida la sheegay ururka As oo dil toogasho ah lagu fuliyay

By isxaaq Rashiid Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa  Alshabaab kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan

Ragga la tooktay ayaa kala ahaa  Maxamed Cabdullaahi Abukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xassan oo iyaguna si wadajira u fuliyay dilkii Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab saaka la tooktay gacan ku dhiiglaha shanaad ayaa ahaa Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo haray Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ugu xukuntay kaas oo magaalada Kismaayo iyo agagaarkeeda ka gaystay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay dambiilayaashii saaka la tooktay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top