Skip to content

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO DAAH FURAY MASHRUUCA SOO KABASHADA XASRADAHA SOOMAALIYA

By isxaaq Rashiid Ku-simaha Ra’iisul Wasaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, taas oo qayb ka ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro AS , isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si Soomaaliya  u gaarto xasilloono buuxda.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in AS   caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka Alshabaab  barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey AS  iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo  Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya dagaalka ka dhan ah  AS  , isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top