By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Ra”iisul wasaare Xamse oo gaaray degmada doolow ee gobolka gedo
by isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadanimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-gobolleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.
Gobolka Gedo ayaa weli waxaa ka taagan dhibaatooyin ka dhashay Daadadka Roobka iyo Fataahada webiga Jubba uu hlkaas ka geystay.
This Post Has 0 Comments