skip to Main Content

Ra’iisul wasaare xamse oo sheegay in aan loo dulqaadan karin wax khilaafka Siyaasaded ee dalka ka jira

By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay khilaafsayada Siyaasadeed ee kajira dalka iyo dagaalladii ka dhacay qaar kamid ah degaannada dowlad Goboleedyada, isaga oo ku baaqay in xal laga gaaro.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbaleyn khilaafyada ay kiciyeen siyaasaiyiinta iyo wadamada Shisheeye, isla markaana aan la joogin waqtigeeda.

 

 

Wuxuu ku baaqay in wada-hadal lagu dhameeyo meelaha khilaafyada kajiraan, sigaar ah dagaalkii ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isaga oo sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo xalinta iyo dhameynta xiisadaas.

 

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dagaalladii ka dhacay qaar kamid ah Gobolada dalka ay saameyn ku yeesheen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday dalka, isla markaana ay istaageen.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top