Skip to content

roobab aay dad farabadan ka baracakeen oo ka da,ay baladweyne

by isxaaq rashiid Wararka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Roobab mahiig muddo saacado ah ka da’ayey magaaladaas uu sababay in biyo badan ku soo rogmadaan Xaafadaha Baladweyne

Wararka ayaa shegaya in Qoysas badan xalay laga samata bixiyay Daadka ku soo rogmaday Xaafadaha Magaaladaas.

Dhalinyaro iskood isku soo abaabulay ayaa la sheegay in ay ka qayb qaateen samata bixinta Qoysaska uu saameynta ku yeeshay Roobkii xalay ilaa saakay ka da’ayay Magaalada Baladweyne .

Qaar ka mid ah Dadku ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa xalay dadaal xooggan ku bixiyay  daadadka ka dhashay Roobka sidii biyaha loogu leexin lahaa dhanka Webiga, waxaana  ay ku guuleesteen in ay Furaan biya xireenka Dhagax jebis ee ku  yaa at the end lla magaaladaas oo  biyaha roobka ku shuba Webiga.

Shacabka ku nool magaalada Beledweyne ayaa ka cabsi qaba in biyuhu gudaha u galaan magaalada taas oo sababi karta khasaare iyo barakac.

Sidoo kale waxaa  maalintii labaad xiran garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Roobka saameeyn uu ku yeeshay .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top