Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Roobab xoogan oo saacado socday ayaa sameyn ku yeeshay nolasha dadka danta yar ee muqdisho
By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday saacado badan ay xalay ka da’een.
Waddooyin badan ayaa biyo qariyeen, taasoo hakad gelisay isku socodka gaadiidka, waxaana adkaatey in gawaaridu maraan.
Xaafado badan oo magaalada ka tirsan ayaa dadkii degganaa laga saarey kadib markii biyaha fatahaadu galeen guryahooda.
Fatahaadahan ayaa lagu eedeeyey dayaca ka jira nidaamka biyo saarista magaalada Muqdisho, taasoo muddo dheer sabab u ahayd in xitaa roobab yaryar ay dhibaato weyn ku keenaan magaalada.