skip to Main Content

Rooble oo guddi u saaray qiimeynta xaaladda Garbahaarey

By Abdinajib Abdullahi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddi qiimeyn ku soo sameeya xaaladda magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo, halkaasi oo ah magaalada labaad ee lagu dooranayo xubnaha baarlamaanka federaalka ee matalaya Jubbaland.
Guddigan oo ka kooban toddobo xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, waxaana ka mid ah xubno ka kala tirsan Guddiga Doorashada Heer Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Doorashada heer Dowlad-goboleed ee SEIT, iyo xubno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan ay soo qiimeyn doonaan xaaladda ammaan ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ee magaalada Garbahaarey.

Guddiga ayaa sidoo kale la faray in ay soo dhegeystaan aragtiyada daneeyeyaasha doorashada lagu wado in ay ka qabsoonto magaalada Garbahaarey.

Qoraalka ayaa lagu faray in guddigu ay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warbixintooda u soo gudbiyaan muddo 7 maalmood ah.

In muddo ahba waxaa taagnaa khilaaf u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo ku saabsan doorashada 16-ka kursi ee doorashadooda la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Garbahaarey.

Garbaaharey ayaa ah magaalada labaad ee deegaan doorashada maamulka Jubaland, balse waxaa in muddo ahba jiray shaki ku aadan in halkaas ay doorasho ka dhici karto.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top