Skip to content

Sadax wiil oo dhalinyara ah ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay Galgaduud

By isxaaq Rashiid Qarax geystay khasaaro dhimasho ah ayaa ka dhacay degaanka Cali Heelle oo u dhow degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, waxaana qaraxaasi ku dhintay Saddex Dhalinyaro ah oo qaraabo ahaa.

Goobjoogayaal ayaa Boundless MEdia u sheegay in Qarax Miino nuuca  dhulka lagu Aaso ah uu haleelay Dhalinyaro saarneyd Mootada labada lug leh ee Fekonta, waxaana halkaasi ku dhintay Saddex Dhalinyaro ah oo lagu kala Magacaabi jiray Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax

Mid kamid ah Ehellada dadka qaraxa ku dhintay ayaa sheegay in Saddex Dhalinyarada ah ee geeriyootay mid kamid ah uu qaraabo salaam u tegay gobolka Galgaduud, isla markaana uu dhawaan Safar u ahaa dalka Koonfur Afrika.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka Dhalinyarada qaraxa ku geeriyootay, kuwaas oo lagu Aasay degaano katirsan Gobolka Galgaduud.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top