by isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan…

Safaaradda Maraykanka ee Kenya oo soo saartay digniin ku saabsan weeraro argagixiso
By abdinajib abdullahi
Safaaradda dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya uga digtay suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Nairobi.
Digniinta ay safaaraddu soo saartay ayey ku sheegtay in kooxaha argagixisadu ay qaadi rabaan weerar ay la beegsanayaan goobaha ay dadka badan iskugu yimaadan gaar ahaan kuwa ajaanibka ah iyo dalxiisayaasha ku sugan Nairobi iyo qaybaha kale ee dalka .
Si kastaba ha ahaatee, safaaradda ayaa qaaday tallaabooyin lagu sugayo ammaanka muwaadiniinteeda. Muwaadiniinta Maraykanka ee dalka ku sugan ayaa la amray inay ka feejignaadaan goobaha ay tagaan dalxiisayaasha/ ajaanibka, si ay uga warqabaan agagaarkooda, iyo inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah si ay u helaan xogaha cusub.
Xiligan, dowlada Kenya ayaa heegan buuxa galisay kooxo kala duwan oo qaabilsan amaanka magaalada Nairobi kadib markii dhawaanahan ay dhaceen falal burcadnimo ah oo loo geystay dadka deegaanka.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media