skip to Main Content

Safarada shiinaha ee kenya oo muwadiniinteda u digtay

By Ayanle Dhiire 

Safaaradda dowladda Shiinaha ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin amni oo ay u dirtay muwaadiniinteeda.

Waxay shacabkeeda ku boorrisay inay aad u taxadaraan.

Tani ayay safaaradda u aaneysay in waayihii ugu dambeeyay xaaladda amni ee dalka ay noqotay mid hubanti la’aan ah.

Waxaa muwaadiniinta Shiinaha ee ku nool gudaha Kenya lagula taliyay inaynan tagin meelaha ay dadku ku badan yihiin ama goobaha ay isugu yimaadaan dalxiisayaasha shisheeye.

Safaaradda ayaa si gaar ah u tilmaantay ismaamullada Garissa, Wajeer, Mandera iyo Lamu iyo qaybaha kale ee dalka ee xiga dhanka xuduudda oo la doonaya in rayidka dhalasho ahaan ka soo jeedo Shiinaha ay ka taxadaraan inay u safraan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top