skip to Main Content

Sakaja oo sheegay inuunan khilaaf kala dhexeyn Gachagua

By Abdinajib Abdullahi

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay inuusan jirin wax khilaaf ama kala duwanaansho siyaasadeed ah oo u dhexeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa uu sheegay inuu xushmad u haya madaxda ugu sarreysa ee qaranka.
Sakaja ayaa intaasi ku daray in isaga iyo madaxweynaha ama ku xigeenkiisa ay si gaar ah uga wada hadlaan hoggaaminta Nairobi iy danaha shacabka.
Barasaabka ayaa xusay inay jiraan shakhsiyaad dano gaar ah leh oo doonaya inay abuuraan jawi aan xaqiiqada ku saleysnayn.
Hadalka Sakaja ayaa imaanaya ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka uu sheegay inuu barasaabka kala hadli doono qorshayaal ay ka mid tahay in gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda laga saaro bartamaha caasimadda dalka.
Gachagua ayaa xilligaasi sheegay inaysan oggolaan doonin in barasaabka Nairobi uu dhaqangeliyo go’aamo saameynaya ganacsatada.
Hasa ahaate Sakaja ayaa tilmaamay inuu dowladda sare la shaqeynaya balse aynan jirin cid gaar ah oo uu uga amar qaato hoggaanka uu haya.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top