Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Sargaal caan ah oo qaab argagax leh u dilay askari ilaaladiisa ka tirsana iyo warar ka soo baxaya
Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in la dilay Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dilka taliyaha oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu muhiimsan dagaalka Alshabaab ee ka howlgalla Gobolka Hiiraan.
Askari ka tiirsan ciidamada uu taliyaha u ahaa la sheegay inuu geystay dilkiisa oo ka dhacay duleedka degmada Moqokori, markii ay haleeshay rasaasta laga riday qori culus, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada iyo ilo kala duwan.
Ma cadda sababta ka danbeysa dilka Taliye Xujaale, wuxuuse u muuqdaa inuu ahaa shirqool lagu khaarijiyay taliye muhiim u ahaa ciidamada dowladda Federaalka.
Waxaa la sheegay in noloshada lagu qabtay askarigii ka danbeeyay dilkiisa iyo askar kale oo la socotay oo laga shakiyay.
Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay geerida Taliye C/raxmaan Xujaale, wuxuuna qoraal tacsi ah oo uu soo saaray ku sheegay in Taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee ka howlgaka Gobalka Hiiraan Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Xujaalle lagu dilay duleedka degmada Moqokori.
Afhayeenka Maxamed Shuuriye ayaa sii raaciyay: “Mid ka mid ah ciidankiisa ayaa la xaqiijiyey inuu dilka geystay, taliyaha ayaa muddooyinkii dambe ku mashquulsanaa sidii Khawaarijta dalka looga dabargoyn lahaa”
Falkan lagu khaarijiyay Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Xujaale ayaa imaanaya iyadoo horaantii bishii hore ee April lagu dilaya Gobolka Sh/Hoose Taliyihii Guutada 14 October Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Furey) oo isna uu khaarijiyay askari ku dhex jiray ciidamada.
Dhinaca kale dagaal culus ayaa ka socda inta u dhaxeysa degmooyinka Aadan Yabaal, iyo Moqokari oo ah Soohdinta u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada xoogga dalka oo ay garab ka helayaan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, iyo kooxaha Al-Shabaab, ayna socdaan duqeymo xooggan lagu beegsanayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu sii xoogeystay. Xaalada ayaa weli kacsan, iyadoona ciidamo gurmad ah ay ka baxeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ku biiray dagaalka socda.