skip to Main Content

Sargaalkii hore ee Chauvin oo maxkamada usoo istaagi doona talaadada

Sargaalkii hore ee boliska Minneapolis ee lagu helay dilkii George Floyd ayaa loo qorsheeyay in uu ka soo muuqdo Talaadada maxkamada fadaraal si loogu xukumo xadgudubkii xuquuqdii Floyd isaga oo ninka wajiga usaaray laamayda jilibkiisoo saaran.

Dacwada fadaraalka ah lagu qaaday Chauvin ayaa la sheegay xuquuqdiisii markii uu katiinad ku xidhay Floyd oo baryaya sargaalka kuna leh “iga ka ma neefsankaro”. Sadexdii sargaal ee kalena waxay wajahayaan eedaymo lamid ah kuwa fadaraalka. Chauvin ayaa sidoo kale lagu soo ogay dhacdo kale in uu ku xadgudbay xuquuqda wiil 14 sano jir ah sanadkii la soo dhaafay.

Qareenka Chauvin, Eric Nelson wuxuu ku dooday intii lagu gudo jiray maxkamadayntii dilkii Floyd in sargaalku u dhaqamay si macquul ah, kuna eedeeyay inuu Floyd u dhintay caafimaad daro iyo daroogo jidhkiisa kujirtay, halkaasna uu gudbiyay codsi ah in kayskan la soo bilaabo markale.

Dacwada kale ee lagu soo oogay Chauvin ayaa ku eedaynaysa inuu wiil 14 jir madow ah ka daboolay xaquuqdiisii halkaas uu cunaha qabtay wiilka isaga oo qoorta jilibka uga haya lana dhacaya toosh.

Chauvin ayaa lagu helay bishii afardaa eedaymo dawladeed kale ah dil darajo labaad oo aan ula kac lahayn, dil darajo sadexaad iyo dil darajo labaad oo ula kac ah. Dad khibrad u leh sharciyayada ayaa sheegay in lagu xukumidoono ugu yaraan 30 sano, xukunkaas oo dhicidoona bishaan 25tankeeda.

Back To Top