skip to Main Content

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada DF Soomaaliya oo lagu dilay MUQDISHO

By Abdinajib Abdullahi

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay koox hubeysan barqanimadii maanta ka geysatay qaybo ka mida magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dheere, wuxuuna ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, iyada oo raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayey marxuumka uu gaari kala soo baxayey Garaash ku yaalla degmada Dharkenley ah oo ah meesha uu dalku ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goor dambetegay goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen maydka sarkaalka la dilay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba, amni darrada sii baaheysa ee ka jirta caasimada ayaa waxaa loo sababeynayaa xiisadaha siyaasadeed ee taagan iyo doorashooyinka weli ka socda gudaha dalka.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top