By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Shacab careysan oo weerarray saldhig ay Laascaanood ku lahaayeen ciidanka Somaliland
By Abdinajib Abdullahi
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaaday saldhigyo ay Ciidanka Somaliland ku leeyihiin Xaafado ka mid ah Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen rabshado xooggan.
Wararka ayaa sheegaya in Xalay Saqdii dhexe weeerar lagu qaaday Saldhigga, iyadoo si gaar ah loo beegsaday Ciidamo Booliis ah iyo kuwo Milateri ah, waxaana weerarkaasi ku qaaday dad shacab ah oo careysan, kana mid ah dadkii maalmahan banaanbaxyada waday.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda lagu magacaabo Durdur, waxaana la sheegay in khasaare uu soo gaaray dadkii careysnaa ee weerarray Ciidanka Somaliland, qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa isbitaallada la dhigay sida wararku tilmaamayaan.
Magaaalada Laascaanood ayaa waxaa wali ka taagan Xiisad kulul ee u dhexeysa Ciidanka Somaliland iyo dadka shacabka ah ee careysan.
Waxaa dadka Rayidka ah ee Magaaladaasi ay si wayn kaga careysan yihin beegsi lagu hayo haldoorka Magaalada, taasi oo keentay in bulshada ay kacdo, maadaama dadkoodii wax galka ahaa dilal qorsheysan lagula kacay, waxaana maalmahan socday bannaaanbaxyo ka dhan ah dowladda Somaliland.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media