skip to Main Content

Shacabka Garissa iyo Isiolo oo loogu baaqay inay nabad ku wada nolaadaan

by abdinajib abdullahi

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa dadweynaha ku nool dowlad deegaanada Garissa iyo Isiolo ku boorriyay inay si nabad ah ku wada noolaadaan.
Waxaa uu baaqan ka jeediyay kulan amni oo ka dhacay ismaamulka Embu kaasoo ay soo qaban qaabisay dalladda horumarinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee FCDC.
Shirka oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta Garissa iyo Isiolo ayaa la isugu keenayay bulshooyinkan oo horay ugu dagaalamay daaqa.
In ka badan 80 qof oo isugu jiro waxgarad , hoggaamiyaal iyo saraakiisha FCDC ayaa kulanka uga wada hadlay sida bulshooyinka ismaamulladan dariska ah ay u qaybsan karaan kheyraadka gaar ahaan xilligan oo ay abaar jirto iyadoo aynan isku dhacyo dhex marin.
Guddoomiyaha Garissa ayaa dadweynaha ku nool ismaamulladan u soo jeediyay inay nabadda ku dadaalaan oo ay ka hor tagaan falalka lagu burburiyo hantida dadweynaha ee sidoo kale ay dhimashooyinka ka dhashaan.
Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadal qaaday mashruuca biyaha ee Madogashe ee la filayo inay shacabka Garissa iyo Isiolo ka wada faa’iidaystaan.

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudlesa media

Back To Top