Jen Maxamed Xirsi Morgan ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi…

Sheekh Shariif oo si kulul u Cambaareeyay Qaraxii ka dhacay Xerada Damaanyo ee Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee saakay lagu qaaday xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu qof naftiisa haligay isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen dhallinyaro doonaysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka.
Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, ayaa Sheekh Shariif ku tilmaamay weerarka mid bahalnimo ah oo lagu beegsaday dhallinyaro Soomaaliyeed oo u taagnaa difaaca dalkooda iyo dadkooda. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay kooxda Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay inay yihiin koox ka fog damiirka bini’aadantinimo, islamarkaana si xun ugu adeegsanaya magaca diinta Islaamka.
“Sheekh Shariif wuxuu sheegay in weerarkaan nafla-caariga ah uu hoosta ka xariiqayo sida ay kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed uga fog yihiin damiirka dadnimada, iyagoo ku been sheeganaya magaca diinteenna suubban,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka, isagoo tilmaamay in aysan qaadan masuuliyadda sugidda amniga goobta ay ka dhacday masiibadan, inkasta oo ay si weyn u muuqato baahida loo qabo ilaalin dheeri ah oo la siiyo xarumaha lagu qorayo ciidamada.
Ugu dambayn, Sheekh Shariif ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehellada dhallinyaradii ku naf waayay qaraxa, isagoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan dhaawacyadii ka dhashay weerarka.