By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Shir laga yeeshay amniga Caasimadda
By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Kulanka ayaa mas’uuliyiinta waxaa ku wehlinayay Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.
Sidoo kale Saraakiisha Xarunta ayaa lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii Al-Shabaa 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.
This Post Has 0 Comments