Skip to content

Shir laga yeeshay amniga gobolka barri ee Puntland

By isxaaq Rashiid Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari ee Puntland ayaa MaantaShir Guddoomiyay Shirka Khamiislaha ah ee Amniga Gobolka Bari, kaas oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo kulanka khamiislaha la qaatay saraakiisha iyo saraakiill xigeenada Booliiska Gobolka Bari ayaa ka dhagaysto warbixino ku saabsan xaalada amni ee gobolka iyo tan degmada Bosaaso.

Shirka inta uu socdo ayaa diirada lagu saara xaaladaha u dambeeyay ee todobaadkan iyo Qorshaha waxqabadka Todobaadka soo socda, waxaana saraakiishii kala duwaneyd ee kasoo qaybgashay kulanka ay warbixin ka siiyay taliyaha xaaladaha Amni ee Gobolka iyo Qorshayaasha darargelineed ee la rabo in hadda la qorsheeyo.

Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari G/Sare C/Qaadir Jaamac Dirir ayaa ku Amaanay Saraakiisha sida ay Heeganka ugu Jiraan ee ilaalinta amniga kana difaacayaan Dadka raba in ay Bulshada Dhibaateeyaan, iyo wadas haqaynta Bulshada kala dhaxaysa loona baahan yahay in kor loosii qaado.

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidanka ku amaanay sida ay uga shaqeeyaan Doorashooyinkii ka dhacay degmooyinka Gobolka bari ee si weyn ay amaanka u sugeen Ciidaanka Booliiska.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top