By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Shir looga hadlayay Amniga gobolka gedo oo Balad xaawo ka dhacay
By isxaaq Rashiid Wasiirka wasaarada Amniga Maamulka Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan dhuumaal ayaa maanta gaaray Degmada Beled xaawo .
Wasiirka ayaa kulan layeeshay maamulka iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada kuwaas oo howlgalo ka wada Degmada Beled xaawo si loo xaqiijiyo Amniga iyo u diyaargarowga wajiga labaad Dagaalka lagula dagaalamayo AS .
Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo Cabdirashiid Cabdi Carook ayaa la wadaagay Wasiirka Amniga Jubland Xaalada Amni ee degmadaas & baahiyaha ka jira sidii wax looga qaban lahaa
Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in ay jiraan Dad qal qal gelinaya Amniga degmada oo ku sugan gudaha degmadaas isaga balan qaaday in Tallaabo uu maamulkiisa ka qadayo dadka uu ku eedeeyay in Falal lidi ku ah Amniga ay ka wadaan gudaha degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Hadalk ka soo baxay Gudoomiyaha Degmada Belad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku soo aadaya Xilii Wasiirka Amniga ee Dawlad Goboleedka Jubland Yuusuf Xuseen Dhuumaal uu balan qaaday in Maamulka Jubland uu wax badan ka qaban doono amnidarada ka jirta degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
This Post Has 0 Comments