Skip to content

Shir looga hadlayay Nabadgalyada oo kadhacay magalada jarati ee gobolka Afdheer

By Ayanle Dhiire 

Kulan lagaga hadlayay wacyigalinta bulshada dhinaca arrimaha nabadgalyada ayaa ka qabsoomay magaalada Jarrati ee gobolka Afdheer.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan hay’adaha nabadgalyada ee degmada Jarrati, shir-guddoona uu ka ahaa guddoomiyaha gobolka Afdheer Mudane Shugri Xasan Barre kuna weheliyay guddoomiyaha degmada Jarrati Mudane Shaafi Dhiire ayaa ujeedkiisu daarnaa sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta xaaladaha nabadgalyada loogana wadashaqayn lahaa sii xoojinta amniga bulshaduna uga qaadan lahayd doorka kaga aaddan sugida nabadgalyada.

Ugu dambayntii kulankan ayaa la isku raacay in si wadajir ah loo ilaaliyo nabadgalyada iyo badqabka shacabka.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top