By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
Shir Xasaasi ah oo ka Furmay Magaalada Garowe
By isxaaq Rashiid Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa maanta waxa ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeya madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya , Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni.
Shirkan aya waxaa goob joog ah madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
shirka ayaalooga doodaya xaalada siyaasadeed ee dalka , gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo dood ay ka taagan tahay.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa dhowr jeer sheegay in ay ka go’an tahay sidii hore loogu sii wadi lahaa Wax ka bedelka Dastuurka oo cidna aan loo joojin doonin.
Shirka ka furmay Garowe ayaa kusoo aadaya, xilli ay Madaxtooyada Soomaaliya isku dayeyso in ay meel-mariso dastuurka dalka oo ay ku howlan yihiindoodiisa labada Aqal ee baarlamaankaSoomaaliya .
Sidoo kale Madaxda shirka uu uga Furmay Magaalada Garowe ayaa qorshahooda uu yahay sidii ay u sameynsan lahaayeen isbaaheysi mucaarad ah oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, si ay uga hortegaan qorshihiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ay ka mideysan yihiin diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee ay waddo ay wadaan madaxda sare ee dalka .
Hase’ ahaatee ‘ Shirka ka socda Magaalada Garowe ayaa imaanaya iyadoo Weli uu taagan yahay Khilaafka u dhexeya Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland .
This Post Has 0 Comments