By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Shirka Dawlad Wadajinta oo beri ka furmayo magalada Eldoret
By Ayanle Dhiire
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu soo warramayaa in gelinkii dambe ee shalay uu gaaray magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasian Gishu.
Waxaa uu qorshushu yahay in berri halkaasi uu ka furmo shirka sandlaha ee arrimaha dowlad wadaajinta.
Shirkan ayaa qabsoomi doono inta u dhexeyso 15-ka ilaa 19-ka bishan.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka goobta uu shirka ka dhici doono.
Saraakiisha ammaanka ee uu hor kacaya ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja Kirocho ayaa wada kulamo isdaba joog ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka goobta uu shirka ka qabsoomaya.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ayaa sidoo kale la filayaa inay ka qayb galaan shirka dowlad wadaajinta.
In ka badan 10,000 oo wufuud oo ka kala imaanaya ismaamullada wadanka ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan kulankan.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka William Ruto ayaa la filaya in si rasmi ah uu maalinka Arbacada u furo shirka dowlad wadaajinta.
Wararka ayaa intaasi ku daaraya in shirkan uu sidoo kale ka qayb geli doona rai’iisul wasaarihi hore ee boqortooyada Ingiriiska Tony Blair.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula, dhigiisa aqalka sare Amason Kingi iyo madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa ka mid shakhsiyaadka shirkan khudbad ka jeedin doono.
Barasaabyada laga soo doortay 47-da ismaamul uu wadanka ka kooban yahay iyo ku xigeenadooda ayaa la filayaa inay ka soo qayb galaan shirkan dowlad wadaajinta ee ka furmaya magaalada Eldoret.
Dhanka kale, guddoomiyaha ismaamulka Uasin Gishu Jonathan Bii ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay qabanqaabada shirkan.
This Post Has 0 Comments