Skip to content

Somaaliya iyo kenya oo ka wada hadlay amniga labada dal iyo arimo xasaasiya

By isxaaq Rashiid La taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweynaha Kenya William Ruto, Monica Juma ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.

Kulanka ayaa ahaa mid ay mas’uuliyiintu  ay kaga hadlayeen sidii labada dowladood ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka istaraatajiyadeed ee labada dal.

Sida laga soo xigtay MS Monica, oo horey u ahayd xoghayihii hore ee gaashaandhigga Kenya,  kulanka waxa diirradda lagu saarayay horumarka gobolka iyo saamaynta isbeddellada caalamiga ah ee amniga qaranka iyo gobolka.

Weerarada ka dhanka ah AS iyo amniga xuduudaha ayaa sidoo kale si weyn looga hadlay kulanka.

Ms Monica ayaa bogaadisay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah AS taasoo keentay in AS laga saaro dhul ballaaran.

Waxa ay hoosta ka xariiqday in dowladda Kenya ay ka go’an tahay in ay sii waddo dadaallada hagar la’aanta ah ee ay kaga caawineyso Soomaaliya meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka AS

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Cali Maxamuud ayaa dhankiisa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay sii xoojiso wadashaqeynta labada dhinac.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa muddo sanado ah wadaaga xiriir diblomaasiyadeed iyo mid laba geesood ah oo taariikhi ah, waxaana la filayaa in kulanka uu wax weyn ka tari doono iskaashiga labada dhinac.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top