Skip to content

Soomaaliya oo u tartameysa Kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada midoobey

By isxaaq Rashiid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Magaalada New York ee dalka Mareykanka, uga qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka, taasi lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June.

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.

Musharraxnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika xilligan u gaarka ah bariga Afrika, waxa ay ku hanan doontaa si aan tartan ku jirin, taasi oo la jaan-qaadaysa hannaanka kaltanka wareegga ee Afrika.

Soomaaliya  ayaa musharraxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018-kii, waxa ay si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa meertadiisa 44-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo qabsoomay bishii Febraayo, 2024.

Soomaaliya, oo xubin ka ah Qaramada Midoobey tan iyo Xorriyada ay qaadatay sanadkii 1960, waxa ay horay xubin uga noqotay Golaha ammaanka oo muddo xileedkeedu ahaa 1971-1972, waxa ay kaalin lixaad leh ka qaadatay qaadaa-dhigidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top