By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Soomaaliya oo Xubin sare ku yeelanayso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
By isxaaq Rashiid Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 2024-2025 ay kursi aan joogto ahayn ku yeelato Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo aan lagula tartamin kursiga dhanka wadamada Afrika.
Codbixinta ayaa la qorsheeyay 6-da Jun, 2024ta inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya, Denmark, Greece, Pakistan, iyo Panama ayaa u tartamaya shanta kursi ee diyaarsan. Dhammaan shanta murashax ayaa hore uga soo mid noqday golahan, Pakistan ayaa markii toddobaad ka mid noqoneysa golaha, Panama shan jeer, Danmark afar jeer, Giriiga laba jeer, halka Soomaaliyana ay markii labaad xubin ka noqoneyso xubnaha aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka, iyadoo ay ugu dambeysay 1971 ilaa 1972.
Musharaxnimada Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka helay Midowga Afrika (AU). Fadhigii caadiga ahaa ee 44-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika bishii Febraayo 2024, ayaana lagu ansixiyey in Soomaaliya ay noqoto musharaxa kaliya ee u taagan kursiga Afrika.
This Post Has 0 Comments