Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa…

Soomaliland oo sii deysay wariye Coldoon oo shalay ku xukuntay 6bil oo xarig ah
Saxafi Cabdimaalik Coldoon ayaa saaka laga sii daayey Xabsiga Magaalada Hargeysa kaas oo uu ku xirnaa bishii ugu dambeysay.
Coldoon ayaa shaley Maxkamadda Hargeysa ku xukuntey 6 bilood oo xarig ah iyo lacag gaareysa $300.
Shalay ayay ehelladiisa qaar kamid ahi sheegeen in xariga loo iibin karo. Ugu dambayn maanta ayuu dib u helay xorriyaddiisii.
Coldoon waa saxafi samafale ah oo inta badan ka shaqeeya howlaha kheyriga ah kuwaas oo uu ku caawiyo dadka tabaaleysan. Dhanka kale waa Guddoomiyaha Hay’adda Khayriga ah ee Same.
Xariga Coldoon ee Somaliland ayaa inta badan la xiriira hadallo uu ku dhaliilo maamulka Somaliland. Ugu dambayn ehellada Coldoon ayaa xaqiijiyey xorriyaddiisa maanta.