Skip to content

Tahriibayal soomali aay ku jiraan oo lagu waysan yahay Xeebaha dalka yeman

by isxaaq Rashiid Ku dhawaad konton qof oo tahriibayaal ahaa ayaa lagu la’yahay xeebaha dalka Yemen kuwaas oo Qaramada Midoobey ay sheegtay in ay la degtay doontii ay la socdeen.

Muhaajiriintan oo isugu jira Soomaali, Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan ayaa markii hore ka soo ambabaxay dalka jabuuti tiradooduna waxay ka badaneed toddobaatan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha socdaalka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in  Muhaajiriin tiradoodu gaareyso ilaa 49 qof la la’yahay, isla markaana dadkaan badankood ay ka tageen wadamada kuyaalla Geeska Afrika oo ay Soomaaliya kujirta ayna ahaayeen 75 Ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yeman ayaa dadkaasi soo badbaadiyay kadib markii ay heleen xogta ku saabsan in Doontii ay saarnaayeen ay la degtay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top