Skip to content

Taliyaha Booliska Soomaliya oo ka hadlay Sanad guurada 80aad ee ciidanka Booliska

By isxaaq Rashid Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin oo ka hadlay xuska 80 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska ayaa hambalyo u diray Shacabka, ehelka askarta, saraakiisha & guud ahaan ciidamada Booliiska.

Janaraal Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ciidanka Booliisku uu shaqaynayo muddo 80 sano taasina ay muujinaysa sida uu ugu dhabar-adeegay isla markaana u gutay waajibaadka saaran waxaana uu kula dardaarmay in ciidamadu ay sii wadaan howlaha Bulshadu u hayaan.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeyaasha, Saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, Dablayda & Xaasaskooda meel weliba oo ay joogaan, waa maalin wayn oo aan leenahay waan 80 jirsanay” Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo hoggaanka Ciidamada qaybahooda kala duwan ayaa hambalyo la xiriirta maalintii la aasaasay Booliiska Soomaaliyeed oo maanta oo kale ah u diray ciidamada, saraakiisha iyo xaasaskooda.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top