skip to Main Content

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga oo maanta xilka la wareegay

By isxaaq Rashiid Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka,iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka Wejigiisa labaad.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top