skip to Main Content

Taliyaha guud ee poliska dalka Kenya oo dignin so Saaray!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Taliyaha guud ee ciidamada booliiska dalka Japhet Koome ayaa saraakiisha booliiska uga digay inay codsadaan shaqooyinka uu soo xayeysiiyo guddiga qaran ee adeegga booliiska ee (NPSC) iyagoo aan ku wargelin madaxdooda.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga NPSC ee uu hoggaamiyo Eliud Kinuthia uu sheegay inay weli bannaan yihiin 514 jago oo uu Koome Jimcihii shaaciyay in la buuxiyay.
Waxaa uu Koome taliyaasha booliiska ee ismaamullada ku amray inay saraakiisha ka hooseeya ku wargeliyaan inaynan codsan shaqooyinka uu soo bandhigo guddiga qaran ee adeegga booliiska.
Waxaa uu intaasi ku daray in sarkaalkii aan amarkan u hoggaansamin inuu muteysanaya in laga qaado tallaabo sharciyeed oo dhanka nidaamka ah.
NPSC ayaa sharci darro ku tilmaantay in Koome uu buuxiyay in ka badan 500 oo jagooyin ah ka dib markii uu qaar ka mid ah saraakiisha booliiska dallacsiiyay wuxuuna guddigu sheegay in taasi aan lagala tashan!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top