By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Taliye Cusub oo loo soo magacaabay Ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaaliya
By isxaaq Rashiid: Taliyaha cusub ee ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Sareeye Guuto Seif Salim Rashid, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka uu kala wareegay Brig. William Kamoiro oo horay u ahaa taliyaha ciidamadaas.
Munaasabada xil wareejinta ayaa ka dhacday Xarunta ATMIS ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Degmada Dhoobley rr gobolka Jubada Hoose.
Sareeye Guuto Kamoiro oo soo dhameystay kormeerkiisa shaqo ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga Al Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan ee ku sugan aagga mas’uuliyaddu ka saaran tahay ciidamadan.
Wuxuu ku booriyay ciidamada in ay feejignaadaan, iyagoo ku baraarugsan caqabadaha ammaanka ee isa soo taraya, wuxuuna ku celceliyay baaqii Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya , Jeneral Francis Ogola, ee ahaa midnimada iyo go’aan qaadashada soo celinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay guud ahaan dalka ka baxaan dhammaadka sannadkan 2024 sida uu qorshuhu ahaa.
This Post Has 0 Comments