Skip to content

waakuma horjoogaha sare ee AS ka tirsana ee lagu dilay duqeyntii shalay dhacday

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeelada Dhexe lagu dilay Horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa shalay  howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.”Ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Sidoo kale qoraalka NISA ayaa lagu yiri “Howlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad. Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.”

 

Bayaanka ayay ku sheegtay “Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso. Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka

Back To Top