Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Wafdi ka socda dowladda dhaxe oo gaaray magaalada kismaayo ee Jubbaland
By isxaaq Rashiid:Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa soo gaaray magalada kismaayo ee Xarunta KMG ee Dowladda Goboleedka Jubbaland.
Guddoomiyaha ayaa waxaa safarka ku weheliyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Bjfs, waxaana Garoonka Diyaaradaha Sayid Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha barlamaanka jubbaland wasiiro katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Intaasi kadib Guddoomiyaha ayaa loo soo galbiyay dhanka Madaxtooyada Jubbaland waxaana ku soodhaweeyay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed madowe)
Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu ukuurgali Doonaa xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan Dowlad Goboleedka Jubbaland
Ugu danbeeyn Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soodhaweynta baaxadda lah ee usameeyeen.
This Post Has 0 Comments