By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…
Wakuma masuulka loo dhariyay xafiskii uu baneyay nuradin Xaji
By Ayanle Dhiire
Renson Mulele Ingonga ayaa maanta loo dhaariyay qabashada xilka agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi, waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei, xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi, madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome iyo xubno kale.
Renson Mulele ayaa ku dhaartay inuu u hoggaansami doono xeerarka dastuuriga ah ee dalka isagoo dhammaan kenyaanka ugu adeegaya si siman oo ka madax bannaan eexasho iyo qof jecleysi.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Mr. Mulele uu sida habboon uga soo bixi doono xafiiska loo magacaabay.
Waxaa uu ku boorriyay inuu ku dadaalo sidii uu u sii wanaajin lahaa waxqabadka waaxda dacwad soo oogidda ee dalka isagoo adeegsanaya aqoontiisa, khibradiisa si buuxdana ugu hoggaansamaya xeerarka degsan.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale Ingonga ku boorriyay inuu ilaaliyo xuquuqda dadka nugul ee bulshada dhexdeeda.
Madaxweynaha ayaa kula taliyay agaasimaha cusub ee DPP inuu wada shaqeyn wanaagsan la yeesho daneeyayaasha kale ee nidaamka cadaaladda, isaga oo u xaqiijiyay taageerada dowladda.
Renson Mulele ayaa horay soo noqday agaasime ku xigeen sare oo waaxdan u qaabislanaa gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu beddelay Nuurdiin Xaaji oo loo magacaabay agaasimaha guud ee waaxda sirdoonka dalka ee NIS.
This Post Has 0 Comments