By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
Wararkii oogu dambeyay ee fatahaadaha kenya
By Ayanle Dhiire
Dalka Kenya waxa kajiro daadad waaweyn oo galafta nolasha iyo dhaqalaha dadka tan iyo markii ay bilowdeen roobabka guga gobolka waqoyi bari waxa go’ay guud ahaanba isku socodka si gaar ah magalada Garissa waxa ay ka go’aday wadanka intiisa kale waxaana shalay galab wadad Garissa iyo Nairobi kadhacay musiibo weyn kadib markii doon rabtay in ay gudbiso dad 40 tameya ah ay qalibantay ila iyo hada lama hayo tirada rasmiga ah ee lagu laayahy balse xildhibanka Degmada Garissa township Xildhibanka Degmada Garissa township Major Dekow oo warbaahinta la hadlay aya sheegay maqribkii markii shaqada la xiray ay doon cussub oo ka imatay laamu ay isku dayday in ay dad ka gudbiso biyaha balse ay ku dhax qalibantay.
”Xildhibanka Aya sheegay in aan la haynin tirada saxda ah ee dadka saara doonta balse hada laso badbaadiyay 23 qof oo hada lagu dabiibaayo madogo xildhibanka aya sido kale sheegay in laamaha Amniga iyo hay’ada Laanqayrta Cas ay hada ku guda jiraan badbaadinta dadka maqan
Wuxuu Xildhibanka xaqiijiyay in ay baariitaan lagu ogaanaayo tirada dadka doonta saara ay wadaan sido kale Xildhibanka aya baaq u diray dadka somaliyeed ee wakhtiyadan safraayo isago oogu baaqay in ay joojiyaan safarada wakhtigan ay khataraha fatahaaduhu jiraan.
” Barasaabka Gobolka Garissa Nadiif jamac oo isna goordhaweyd warbaahinta kula hadlay goobta ay wax ka dhaceen Aya sheegay in ay doonta saaraayeen dad dhan 43 qof wuxu in 23 qof la badbaadiyay hal qofna meydkiisa laso saaray balse inta kale aan la haynin geeri iyo nolal barasaabka oo si carale leh arrinta ooga hadlay aya sheegay in dadkii doontas dadka ku gudbinayay si dhaqsa ah sharciga loo horkeeno waxa uu sidokale eed weyn u jediyay laama wadoyiinka ee dalka Kenya iyo dawlada sareDhanka kale wararka nagaso garaayo ismaamulka nakuru aya shegaayo in 45 qof ay dhinteen ka dib markii daadad xooggan oo ka dhashay roob xalay da’ay ay baabi’iyeen dhowr guri oo ku yaalla tuulada Kamuchiri ee deegaanka hoose Mai Mahiu ee deegaan baarlamaanedka Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Dadka dhintay waxaa ku jira 17 carruur ah.
Sidoo kale arrintan ayaa timid ka dib markii xalay uu karkaarrada jabsaday webiga Kijabe oo aagaasi ka ag dhow, sida ay laga soo xigtay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya Red Cross.
Taliyaha booliiska ee magaalada Naivasha ee dowlad deegaanka Nakuru Stephen Kirui oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa xusay in 10 qof oo kale la soo badbaadiyay loola cararay xarumaha caafimaadka si loo dabiibo.
This Post Has 0 Comments